Wajiga 2-aad Ee biyo-gelinta magaalada Jig-jiga oo la dhagax dhigay

Wafti sare oo uu hoggaaminaya wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta JDFI, dr. Habtamu Itefa iyo masuuliyiinta Xafiiska Biyaha DDS ayaa soo kormeeray mashruuca wajiga labaad ee biyo-gelinta magaalada Jig-jiga.

Mashruuca biyo-gelinta magaalada Jig-jiga qeybtiisa labaad ayuu dhagax-dhigay madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxumed Cumar.

Masuuliyiintan iskugu jiray heer federaal iyo heer deegaan ayaa soo kormeeray mashruucan oo maalintii siin doona magaalada biyo dhan 10-kun oo mitir kuyuub, kaas oo dabooli doona baahiyaha biyaha magaalada Jig-jiga 50% boqolkiiba marka uu soo dhammaado. Sida oo kale, waftiga,ayaa soo kormeeray keydka biyaha ee Shabeelley, kaas oo qaban doona 1 kun oo mitir kuyuub, dhismihiisuna gabo’gabo ku dhow yahay.