Yaa kusoo baxay doorashadii xildhibaanada Golaha Shacabka Ee Banaadiriga ? 

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu doortay shanta kursi ee beelaha Benaadiriga ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhowr jeer oo hore uu dib u dhac ku yimid doorashadooda.

Safiirka Soomaaliya ee Pakistan Khadija Maxamed Al-makhzoumi ayaa ku guuleysatay kursiga HOP034 kaas oo uu hore ugu fadhiyay Khaalid Macoow.

Taliye ku xigeenkii hore Ciidanka Booliska Goblka Banaadir Maxamuud Cabdulqaadir Jeego ayaa isna ka mid noqday saraakiisha kusoo baxay kuraasta Golaha Shacabka, kaddib markii uu ku guuleystay kursiga HOP84.

Guddoomiyihii hore ee degmada Xamarweyne Cumar Shariif Jeeg ayaa ku guuleystay kursiga HOP266 oo ay hore ugu fadhisay Biibi Khaliif Maxamed.

Kursiga HOP105 oo waxaa isna kusoo baxay Cabdiraxman Cabdulqaadir Cadde, halka Maxamed Nuur Abuukar uu ku guuleystay kursiga HOP265.