Dagaal xooggan oo ka socda agagaarka Kyiv

Ciidamada Ukraine,ayaa isku dayaya in ay magaalada caasimadda ah ee Kyiv ka difaacdaan ciidamada Ruushka ee magaalada ku sii siqaya. Madaxweynaha Ukraine ayaa beeniyay inuu sheegay in la is-dhiibo, wuxuuna hadal muuqaal ah ku sheegay in Kyiv uu joogo islamarkaana uu dalkiisa difaacanayo.

Ukraine waxa ay sheegtay in ku dhawaad 200 oo qof oo rayid ah oo ay caruur ku jirto ay ku dhinteen duqeynta iyo duullaanka Ruushka.

Dhinaca kale, Isbahaysiga NATO ayaa ciidamo dheeraad ah u diraya bariga Yurub si uu u xoojiyo difaaca dalalka NATO ee u dhow Ruushka.