Yaa ka danbeeyay xiriirka Somaliland iyo Taiwan?

Shiinuhu,waxuu joojiyay ugu yaraan 7-Mashruuc oo ku kacayay 100-Milyan oo dolar oo uu ka wadey Somaliland.

Mashaariicdaas,waxaa ku jiray Warshado shaqo bilaabay.

Shiinuhu,waxuu Lacag Cadaan ah ku kabayay Miisaaniyada Dowlada hoose ee Hargaysa iyo Dowlada Dhexe.

Dhankiisa,waxuu qaadanayay Dhagax muhiim ah,waxuuna rabay in uu sii sameeyo Maalgashi intaa ka balaaran.

Balse banaanka,ayaa loo tuuray Shiinihii,waxaana iskaga baxay Somaliland ugu yaraan 36-Qof oo halkaas ka joogay,todobaadkana,waxuu raranayaa Qalabkiisii.

Somaliland taa badalkeeda,waxaa loo tilmaamay Taiwan si ay ubuuxiso booskii Shiinaha.

Taiwan,waxay dhankeeda ka dhiganaysaa Somaliland Xubin kusoo biirtay ehelkeeda baadigoobka ugu jira aqoonsiga.

Si cad looma tilmaami karo cida ka danbaysa arinkan,waxaase la tuhmayaa Maraykanka.

Maalmo ka hor Muuse Biixi,waxuu casuumad ka helay Ismaaciil Cumar Geelle oo la rumaysan yahay in uu kala hadlay arinka Shiinaha.

Shiinaysku aadbay uga caroodeen talaabada Somaliland,waxayna si cad ugu sheegeen in ay kaga jawaabi doonaan talaabo Milateri xiriirka Taiwan ay la bilaabeen.

Talaabada Shiinuhu ka qaadayo Somaliland,waxay noqon doonto lama oga ilaa iyo hada.

Jibril Qoobey.