Baanka Aduunka oo Puntland ka fulinaya Mashruuc ku kacaya Malaayiin Dolar

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash,ayaa maanta qaabilay Agaasimaha guud ee wasaarada Kallumaysiga iyo Khayraadka Badda dowladda Federaalka ee Soomaaliya,Maxamuud Shiikh Cabdullaahi iyo Saraakiil ka socday Bangiga Adduunka (World Bank).

Kulanka ayaa looga hadlay baahiyaha Kalluumaysatada Puntland iyo qorshaynta mashruuc 50-milyan oo dollar ku kacaya oo markii ugu horreysay Bangiga Adduunku si toos ah ugu taageerayo Somaliya.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirka Kalluumaysiga Puntland, Wasiiru dowlaha Madaxtooyada, Agaasimaha guud ee wasaarada Kallumaysiga Puntland iyo Saraakiil kale.