Jubaland iyo Itoobiya oo ka shiray arimaha Amaanka

Shirkan,waxaa goobjoog ka ahaa dhanka Itoobiya Talyeyaasha Qeybta 3-aad iyo 6-aad ee Ciidanka difaaca Itoobiya.

Dhanka Jubaland,waxaa goobjoog ka ahaa Talyaha Guutada 5-aad ee Lugta iyo Talyaha Nabad-sugida Jubaland.

Madaxweyne Axmed oo Shir Gudoonka lahaa,ayaa sheegay in ay muhiim tahay wada shaqayn dhexmarta Labada Wadan si looga adkaado argagixisada.

Dhanka Itoobiya Talyaha Qeybta 6-aad ee Ciidanka difaaca Itoobiya, Sarreeye Guuto Ababaw Seid,ayaa sheegay in si looga hortago khatarta Al-Shabaab in ay lagama maarmaan tahay si dhow in loola shaqeeyo.

Itoobiya oo ka dhex ganacsanaysa u adeegida danaha Fahad Yaasiin waxay mar isku dayday in ay soo qabato Madaxweyne Axmed Madoobe.

Sidoo kale dhawr jeer waxay naawishay in ay Axmed ku casunto Itoobiya oo umuujiso dabacsanaan si ay ugaado.

Haatan lama oran karo Itoobiya way badashay Siyaasadeedii oo waxay si buuxda ula shaqaynaysaa Dowlada Jubaland,waxaase la tuhmi karaa in uu jiro hadaf qarsoon oo ay wadato.

Madaxweyne Axmed,waxaa laga rabaa in uusan marna aaminin Ciidamada iyo Maamulka Abiy oo uu muujiyo feejignaan sare.

Sidoo kale waa in aan loosoo dhex eaacin waxa loogu yeero iskaashiga la dagaalanka argagixisada.

Jibril Qoobey.