Maxaan kala soconaa waxa uu ku salaysan yahay xiriirka cusub Ee SL iyo Taiwan?

Xog ogaalka la socda dhaqdhaqaaqa Siyaasadeed iyo danaha shisheeye ee Geeska waxay qaarkood qabaan in Muuse Biixi xiriirkiisa Taiwan uu ku salaysan yahay dano dhaqaale oo isaga ugaar ah.

Tusaale waxay usoo qaadanayaan Laba jeer oo Wefti ka socda maamulkiisu ay tageen Taiwan,waxaa la soo siiyay marna 2-Milyan oo dolar iyo markale oo 4-Milyan oo dolar ah.

Lacagtaas,waxaa soo qaaday Wasiiro,waxayna gacanta ka geliyeen Muuse,waana mid aan marin Golayaasha laguna darin Miisaaniyada cid ka warqabtaana aysan jirin.

Halka Shiinuhu bixinayay bil walba 3-Milyan oo dolar oo kabid Miisaaniyadeed oo Golayaasha Maamulkaas maraysay,taasoo Muuse ay yarayd waxa uu ka faragelin karay.

Ka tagida Shiinaha iyo ugelida Taiwan ee Muuse waxay qabaan xog ogaalka qaarkii in ay ku fadhido (Biti Kaash).