Wararkii ugu danbeeyay Ee dagaalka Ukrain iyo Ruushka?

Dagaalkan,waxuu noqon karaa billowga dhammaadka Putin marka la qiimeeyo wax iska caabinta geesinimada leh ee Ciidanka Ukrain ay kala hor tageen Ciidamada sida weyn uga xooga badan ee Ruushka.

Ilaa shalay wax horumar ah oo la taaban karo Ruushku kama samayn furimaha hore ee dagaalka.

Waxay khuburada falanqeeya colaadaha hada isla qirayaan in dagaalku daba dheeraan doono oo ay dhici karto in uu noqdo mid Ruushku ku fashilmo.

Walwalka soo kordhaya,waa in Putin isticmaalo Hub ka xoog badan kan hada uu adeegsanayo,hadii ay ku adkaato in uu dardaro Ciidamada mintidaya ee Ukrain.

Maxkamada Danbiyada dagaalka,ayaa durbaba bilowday in ay la socoto xadgudubyada dagaalka ka dhacaya.

Sidoo kale Bangiyada Ruushka oo uu ku jiro kan Dhexe ee Dalkaas,ayaa cunaqabatayn lala beegsaday.