Deni xor maka noqon doonaa Aaran-jaan oo ma badbaadin doonaa wadahadalka Bosaso?

Waxaa kala cadaan doonta laba arimood midkood,kuwaasoo kala ah…

1.In uu Deni weli sii yahay madiidin Aaran-shaydaan meel ugu xiran.

2.In uu Deni yahay hogaamiye umadax banaan go’aamadiisa oo xanta aadka u xooga badan beenin kara.

Saakay waxay ahayd in la kulan siiyo isaga iyo Maxamuud Diyaano,waase qaban waayay Taleefoonada ilaa xalay.

Markii Isimadu ku wareereen oo ay go’aansadeen in ay qabtaan Shir jaraa’id,ayuu soo wacay oo ku andacooday waa hurday.

Ilo muhiim ah,waxay xaqiijinayaan in Xasan Shire xalay utagay una sheegay haduu la kulmo Maxamuud Diyaano in uu iscasilayo oo Golaha ka baxayo,taasoo Deni culays ku noqotay.

Sidaan oo kale xiligii Cabdullaahi Yuusuf iyo Cadde ay heshiinayeen,waxaa soo istaagay Faroole oo ahaa Wasiirkii Maaliyada,waxuuna ku yiri waa iscasilayaa hadaad heshiis gasho,waase loo joojin waayay.

Haatan Deni ma noqon doonaa Cabdullaahi oo ma badbaadin doonaa Puntland,Beeshiisa iyo Mustaqbalkiisa??

Beri,ayuu Deni la balamay Isimada in ay isku keenaan isaga iyo Maxamuud hadii rabi idmo.

Jibril Qoobey.