Halkee marayaa wada xaajoodka Isimada Bari iyo Madaxweyne Deni?

Isimada iyo Madaxweyne Deni ugu danbayn saakay way kulmeen,kadib xoogaa iswaayitaan ah.

Kulanka oo daba socday kuwii hore,ayay Isimadu ugu gudbiyeen Madaxweynaha xoogaa cabasho ah oo ku aadan daahid fulimeed arimihii lagu balamay iyo deg-deg la geliyay Doorashada Xildhibaanada Fadaraalka.

Balse ugu danbayn,waa lays fahmay oo la dhameeyay xoogaagaas caajiska ahaa ee soo kordhay.

Beri,waxaa laysku gaynayaa Madaxweynaha iyo Agaasimaha sharciga ah ee PSF.

Sida la filayo,waxaa sideedii hore lagu celin doonaa PSF.

Sidoo kale Qoondada Gobolka Bari,ayaa laga dhigi doonaa Boqolkiiba Todobo.

Arinka DP World,ayaa loo dayn doonaa Madaxweynaha xal ka keenkiisa.

Jawiga aadbuu uwanaagsan yahay,waxayna ubadan tahay in isla Beri usoo baxo Warmurtiyeedka heshiiska lawada gaaro.

Jibril Qoobey.