Faahfaahin Dagaalkii Xudur Ee Alshabaab iyo Dowlada

Wararka ka imaanaya magaalada Xudur ee Gobolka Bakool,ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerar xalay uga yimid maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ilo dhinaca amniga ah,ayaa u sheegay idaacadda in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo weerareen saldhig ay Ciidamaada Dowladdu ku leeyihiin dhinaca galbeed ee magaalada Xudur wax yar ka dib saqdii dhexe.

Saddex ka tirsna maydka Maleeshiyaadka Al-Shabaab,ayaa la sheegay in lagu arkay goobta dagaalku ka dhacay, hase yeeshee mas’uulyiinta amniga ee Dowlada waxay dhimashada Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarkaas gaarsiinayaan ilaa Toddoba.

Mas’uuliyiinta Dowladda,ayaa sidoo kale sheegay in saddex qori ay ciidamada ku qabsadeen dagaalkaasi.