G.xigeenkii G.Doorashada Ee heer Puntland oo iscasilay

Waxaa maanta xilka Guddoomiye ku-xiigeenka Guddiiga doorashooyinka ee heer Puntland iska casilay Caynaanshe Yuusuf Xuseyn.

Is casilaaddiisa,ayaa imaaneysa xili Guddiigu ku guda jiray qabashada doorashada kuraasta Baarlamaanka Federaalka ee Bosaso taalla.

Caynaanshe,ayaa xaqiijiyay inuu iska casilay xilka Guddoomiye ku xigeenlka Guddiga Doorashada ee heer Puntland balse ma uusan cadeyn sababta ku dhalisay inuu is casilo.