Gudiga qiimaynta Garbahaarey loo xilsaaray oo kulmay

Guddoomiyaha Guddiga Qiimeynta Xaaladda Deegaan Doorashada Labaad ee Jubaland ee Garbahaarreey Avv. Cumar Maxamed Cabdulle ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka socotay Madasha Wadahadalka Somaliyed (Somali Dailogue Plattform) oo ay ka wada hadleen qorshe howleedka guddigan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseyn Rooble.

Guddoomiyaha Guddiga ayaa Madasha faahfaahin ka siiyay qorshe howleedka guddigan oo loo xilsaaray in uu ka soo talo bixiyo xaaladda deegaan doorashada Garbahaarreey, isagoo ka codsaday inay ku gacan siiyaan fulinta qorshe howleedkooda.