Wajigii Labaad Ee Shirka Nabadaynta Beelaha Saaxa-meygaag oo furmay

Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa daah-furay wejiga labaad ee shirka nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay deegaanka Saax-meygaag.

Shirkaan oo ah wajigii labaad ee beelaha u furma, waxaa madasha beelaha walaal ah ay ku saxiixeen ogolaanshaha gardhiibashada guddiga dhexdhexaadinta oo iyagana madasha lagu dhaariyay.

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shirka guul u rajeeyay iyo inuu horseedo nabad iyo barwaaqo.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland ayaa sheegay in dowladdu ay garab taagan tahay Isimada dhaqanka iyo guddiyada kala duwan ee arintan ku hawlan, isla markaana ay juhdi gelinayso sidii nabad waarta loo helilahaa.

“Waxaanu diyaar u nahay inaan Isimada dhaqanka iyo guddiyada kala duwan kala shaqayno wadiiqo kasta oo lagu gaadhayo nabada iyo xasiloonida deegaanka”.

Sidoo kale Madaxweyne ku xigeenka ayaa guddiyada labada dhinac kula dar-daarmay inay masuuliyad iska saaran nabadaynta beelaha walaalaha ah.

“Guddiyada beelaha ka socda waxaan kula dar-daarmayaa inay masuuliyad weyn iska saaraan hawsha loo ig maday, waxkastana ay ka eegaan dhinaca nabada iyo horumarka”.

“Dowladdu way awooday inay talaabo ka qaado dhacdooyinkii ka dhacay deegaankan Saax-meygaag balse waxay door biday inay ka marto dhanka isimada dhaqanka loona wajaho xaaladda si nabad gelya ah, kuma ceebaysnin inaan nabad iyo waan waan ku raadino sidii loo dejin lahaa xaaladda loogana fogaan lahaa wax walba oo keeni kara isku dhac beelaha ah”.

Ugu dambayn Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahadceliyey Isimada dhaqanka , guddiga dhex dhexaadinta iyo guddiyada horumarka ay ka sameeyeen xal uhelidda shaqaaqadii dhacday.