Diyaaradaha dagaalka Ee Ruushka oo kusoo xadgudbay Hawada Sweden

Dayuuradaha dagaalka Ruushka ayaa kusoo xadgudbey hawads Sweden, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Cirka Sweden, Carl-Johan Edström oo bayaan soo dhigay webka Wasaaradda Difaaca.

Diyaaradaha Ruushka oo 4 ahaa ayaa kala ahaa 2 SU 27 iyo 2 SU 24, waxayna soo galeen hawada biyaha Badda Baaltigga ee bariga gasiiradda Gotland.

Ciidanka Cirka Sweden ayaa kiciyey diyaaradaha dagaalka Jas 39 Gripen si ay hawadooda uga Hawadooda uga saaraan diyaaradaha Ruushka ayna sidoo kale sawirro uga qaadaan.

“Waxay tani muujinaysaa heegankeenna. Waxaan u joognaa ilaalinta qiyamka dhuleed iyo madaxbannaanida xadka Sweden,Talaabada Ruushku qaaday waxay muujinayso Xirfad xumo “

Wasiirka Difaaca Sweden, Peter Hultqvist ayaa Warbaahinta u sheegay in Xadgudubka Ruushka aan marna la aqbali karin oo ay qaadayaan tillaabooyin diblomaasiyadeed cad si loo xushmeeyo madaxbannaanida Sweden.

Jubba.