Halkee maraysaa dhismaha Buundada Qayaadsame?

Shirkadda Dhismaha Albashid (ACCOM) oo gacanta ku haysa mashaariicda waaweyn ee dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha Puntland ayaa ku guda jirta dib u dhiska buundada Qayaadsame oo kamid ah buundooyinka ugu waaweyn ee isku xira gobollada Puntland.

Shirkadda ayaa horay u soo gabagabeysay dib u dhiska Buundada labaad ee ugu weyn Bulsho Koriso oo iyana la furay bishii October ee sanadkii hore.

ACCOM waxa ay hadda ka waddaa SINUJIIF waddo laami ah oo dhererkeedu dhan yahay 9 KM taas oo lagu rakibayo 54 dhuumood (Culvert pipes) oo biyuhu maraan si aanay xilli roobaadka waddadu u xirmin.

PLTV.