Maxaa ku dhacay kolonyadii milatariga Ruushka ee ku wajahnaa Kyiv?

Haddii aad hada nagu soo biirayso, waa kuwan wararkii ugu dhanbeeyay ee xaalada Ukraine.

Afar qarax oo waaweyn ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga maqalay gudaha magaalada Kyiv balse ma cadda cidda lala beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay.

Sarkaal ka tirsan difaaca Mareykanka,ayaa sheegay in kolonyo baabuur ah oo Ruushku leeyahay oo ku dhow Kyiv “ay istaageen” shidaal iyo Cunto yari awgeed.