Qaramada Midoobay oo ka dalbatey Ruushka in ay la baxaan Ciidamadooda

Kulanka guud ee Qaramada Midoobay ayaa maanta loogu codeeyay qaraar lagu cambaareynayay duulaanka Ruushka, waxayna ka dalbadeen Ruushka in ay ciidamadooda si dhaqsi ah ugala baxaan Ukraine.

Qaraarka ayaa waxaa taageeray 141 wadan oo ka mid ah 193 wadan ee xubnaha ah, inta lagu guda jiray kulanka guud ee Qaramada Midoobay oo ahaa mid degdeg ah oo ay goluhu isugu yeereen.

Intii ay socotay codeyntu ayaa safiirka Ukraine ee Qaramada Midoobay Sergiy Kyslytsya wuxuu sheegay in Ruushku u yimid in uu burburiyo Ukraine.

Waa kulankii ugu horeeyay oo degdeg ah oo goluhu isugu yeeray xubnaha tan 1997 kii.