Yaa ka mid ah Madaxda Somalida lagu soo rogay cunaqabataynta Maraykanka?

A judge’s gown and gavel with sound block on deep, rich colored wooden desktop and American flag

Waxaa isa soo taraya xogaha laga helaayo Dadka ku jira liiska cunaqabateynta ee ay dowlada Mareykanku ku soo rogtay madaxda Soomaalida ee lugu eedaynayo iney musuqmaasuqeen ama carqaladeynayaan doorashooyinka socda

Xog kooban oo la helay waxay sheegeysaa in liiska ay ku jiraan; madax heer federal, madaxweynayaal maamul goboleed, saraakiil hore, kuwo hadda xilal haaya, xildhibaanno dooran, kuwo hadda u taagan iyo musharraxiin madaxweyne.

Haddii ay dhabowdo arrintani waxay si aan hore loo arag isugu dhex yaacin kartaa siyaasadda Soomaaliya iyo gobolka ama u yeeli kartaa waji cusub.

Xigasho: Ali Halane