30 qof oo ku dhintay qarax is-miidaamiin ah oo ka dhacay Pakistan

Qarax ismiidaamin ah ayaa ka dhacay Masaajid ay ku badan yihin dadka Shiicadda ah oo ku yaal Waqooyi Galbeed ee waddanka Pakistaan, Waxaan ku geeriyooday 30 qof, halka 60 kalena ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan khasaaraha badan dhaliyay ayaa dhacay xilli lagu jiray saaladda Jimcaha.

Mohamed Aasim oo ah afhayeen Isbitaal la yiraahdo Lady Ready oo ku dhow halka weerarka uu ka dhacay ayaa xaqiijiyay tirada dhaawacyada, wuxuuna suxufiyiinta u sheegay in inka badan 12 qof oo dhaawaca ka mid ah ay ku jiraan xaalad khatar ah, dhimashaduna ay sii kordhi karto xilli kastaba.

Haruun Rashiid oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Booliiska dalkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in ninka weerarka geystey uu gudaha u galay Masjidka oo ku yaalo suuqa caanka ah ee Qissa Khwani Bazaar, waxaana uu dilay labo askari oo ilaalo ka ahaa albaaka hore intuusan gudaha u galin dhismaha oo uusan qarxinin suunkii ku xirnaa.

Masaajidka gudahiisa waxa ku jiray boqolaal qof oo cibaadeysanayay.