Dacwad-Ooge sare oo loo magacaabay tacadiyadii ka dhacay Itoobiya

Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u doortay dacwad-oogihii hore ee maxkamadda dambiyada caalamiga ah inay hoggaamiyo guddi baaraya xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee ka dhacay waqooyiga Itoobiya.


Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa bishii November 2020 dagaal la galay ciidamada Tigreega, iyada oo tan iyo markii uu dagaalku uu qarxay ay wakaaladda wararka ee Reuters soo warinaysay gabood-fallo ay geysteen dhammaan dhinacyadii dagaalamay, kuwaas oo dhinacyadii dagaalamay ay beeniyeen.

Goluhu wuxuu u codeeyay bishii Diseembar in la dhiso guddi baaritaan oo madax-bannaan, si ay u eegaan xadgudubyada lagu eedeeyay dhammaan dhinacyada iyo in la caddeeyo dembiilayaasha, si loola xisaabtamo.


Fatou Bensouda, oo u dhalatay Gambia, isla markaana ahayd madaxa dacwad oogaha maxkamadda caalamiga ah ee ICC intii u dhaxaysay 2012 iyo 2021, ayaa hoggaamin doonta guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban saddex xubnood, sida uu goluhu ku sheegay bayaan uu soo saaray.

Guddigu waxay “gundhig u noqon doonaan xaqiiqooyinka iyo duruufaha ku xeeran xadgudubyada iyo tacadiyada lagu eedeeyay dhinacyada Itoobiya, waxay ururin doonaan oo ilaalin doonaan caddaynta, si loo caddeeyo kuwa mas’uulka ka ah, haddii ay suurtagal tahay,” ayuu lagu yiri bayaanka Golaha.

Gedion Timothewos oo ah wasiirka caddaaladda ee Itoobiya, ayaa sheegay inay la shaqayn doonaan baaritaan kasta “oo diiradda lagu saarayo ilaalinta xuquuqda aadanaha.”

Reuters.