Magacii iyo awoodii PSF miyaa wax laga badalay?

Puntland Security Commando Force ,waa waxa ay horay u ahaayeen ee mahan wax cusub oo lagu soo kor dhiyay.

PSF waa Ciidan qaba tababarka ugu sareeya ee Ciidan yeesho,waana Kumandoos.

Balse magac ahaan waa PSF,sidaa ayayna ku hawlgeli jireen kuna hawlgalayaan,waxba lagama badalayo Logo-da iyo Data ay ku shaqeeyaan.

Sidoo kale,waxay leeyihiin garab sirdoon oo xoog badan,kaasoo loogu yeero (Sirdoonka Mileteriga).

(Puntland Intelligence Special Forces)

Waa Qayb cusub oo leh awood kooban oo ay ku fuliyaan hawlgal gaar ah oo loo igmaday..

Kama badnaan doonaan 100-Askari,waxayna ka amar qaadan doonaan Madaxtooyada.

Ciidankan,waa gacan kale oo kusoo korodhay awooda wax soo qabashada,sida Booliska iyo Daraawiishta.

Inkastoo aysan sida Booliska iyo Daraawiishta u awood badnaan doonin,hadana hawlgal deg-deg ah oo kooban ayay fulin doonaan.

Waxa ugu weyn ee ay soo kordhin karaan,waa in ay gacmo unoqdaan hay’ada sirdoonka ee Pisa.

PISA”

Waa hay’ada rasmiga ah ee sirdoonka Puntland,waxayna ku koobnaan doontaa xuuraan,dhagadhegayn iyo xog-raadin.

Jibril Qoobey.