Ruushka oo weeraray Warshadii ugu weynayd Niyukleerka Korontada dhaliya Ee Yurub

Ra’iisal Wasaare ku xigeenka UK ayaa sheegay in duqeymaha uu Ruushku ku hayo warshada Nukliyeerka ee Zaporizhzhia ee dalka Ukraine uu yahay “weerar halis ah oo aan ka fiirsasho lahayn oo lagu qaaday goob Nukliyeer ah” ayna tahay in dhammaan beesha caalamku ay si dhab ah u qaataan,

Wadamo badan ayaa ka digay halista ka dhalan karta weerarkan waxayna sheegeen in ay saameyn weyn ku yeelan doonto midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa dhankiisa ku baaqay kulan deg deg ah oo golaha ammaanka Qaramada Midoobay ay ku yeelanayaan magaalada New York si “loo kordhiyo cadaadiska la saaray Putin”.