Daawo: Qaabka loo soo riday diyaarad uu Ruushku leeyahay

Duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine ayaa galay maalintii 10-aad, magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Ukraine waxaa ka socdaa duqeymo iyo gantaallo lagu garaacayo halkaas.

Wararka waxay sheegayaan in meelaha qaar uu kasoo socdo dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyo ciidamada Ruushka iyo kuwa Ukraine.

Ruushka iyo Ukraine waxay ku heshiyeen xabad joojin kumeel gaar ah oo looga dhawaaqay magaalooyinka Mariupol iyo Volnovakha.

Muuqaal ay baahiyeen ciidamada Ukraine ayaa muujinayaa diyaarad uu leeyahay Ruushka uu ku dhacay dagaal gudaha Ukraine,hoos ka daawo muuqaalka.

Halkan ka daawo muuqaalka