Gaalkacyo oo iskaa wax uqabso loogu dhisayo Wadooyinka Xaafadaheeda

Laamigan hada inta la dhisay waa 120-Mitir Gurya-samo,Cawaale ilaa Amal Bank.

Sida qorshuhu yahay 400-mitir,ayaa la gaarsiinayaa,sida uu iisheegay Duqa Magaalada.

Qorshaha lagu dhisayo waa iskaa wax uqabso oo ay keentay Dowlada hoose ee Gaalkacyo,sida uu ii sharaxay Duqa Magaaladu.

Dadka leh Meheradaha Jidku marayo oo ay ugu horeeyaan Shirkada dhisatay Kaalinka Shidaalka,ayaa Lacagta laga ururinayaa,kadibna Dowlads hoose kabaysaa.

Fikradan oo kale waxay Dowlada-Hoose kusoo dhistay Wadada isku xirta Labada Suuq,sida Duqu ii sheegay.

Tusaale”

Wadada Hotel Guure,waxaa Mashruuca JLPG laga helay 660-Mitir,balse waxaa la gaarsiiyay 1000-Mitir,iyadoo ay iska kaashadeen Bulshada aagaas degan iyo Dowlada Hoose.

Hadaba Muwaadin bixi qaaraanka oo qayb ka qaado shaqada socota.

Jibril Qoobey.