Mid ka mid ah Ergedii Ukrain Ee wada xaajoodka kula jirtay Ruushka oo la toogtay

Kireev oo ahaa xubin ka tirsanaa wefdigii Yukreyn u metelayey wada xaajoodka Ruushka ayaa la khaarajiyey maanta ,sirdoonka Yukreyn ee SBU ayaa madaxa ka toogtey isagoo joogey meel u dhow maxkamad ku taalla Kievsida, uu sheegay Aleksandr Dubinsky oo ah Xildhibaan katirsan Baarlamaanka Yukreyn.

inta aan maanta la dilin Dawladda Yukreyn ayaa magaciisa ka reebtay 6-dii qofood ee Yukreyn metelaysey ku metelaysay Wada-hadalada lamana faahfaahinin sababta.

TVga Yukreyn laga leeyahay ee la yiraahdo Channel 5 ayaa sheegay in Kireev ay dabagal ku hayeen Sirdoonka Yukreyn SBU ,waxaana la ogaaday inuu ninkani xiriir la lahaa Sirdoonka Ruushka .

Abdirisak Juba.