Video:-Gudiga Qiimaynta Garbahaarey oo ka dhoofay Kismaayo

Gudiga qiimaynta Garbahaarey ee uu magacaabey Rooble,waxay soo gabagabeeyeen wadatashiyadoodii Kismaayo.

Xamar kadib,waxay u anba bixi doonaan Garbahaarey hadaan laga hor istaagin.

Jubaland waxay qabtaa in Deegaan Doorashada Labaad loosoo wareejiyo meel kale oo ka mid ah Deegaamadeeda.

Fahad iyo kooxdiisa oo quus ka taagan sida wax usocdaana,waxay danaynayaan in Xildhibaanada halkaas yaala gebigoodba la laalo.

Halka Musharaxiin ay ka mid yihiin Cabdikariin Guuleed iyo Khayre ay cadaadis ku saarayaan Rooble in uu Xamar usoo wareejiyo Doorashadaas.

JL iyo PL,waxaa laga rabaa in ay sameeyaan galgal dheeriya si ay toodu umeelmarto.

Halkan ka daawo muuqaalka