Farmaajo iyo Amiirka Dowladda Qatar oo Golaha Amiirka ku yeeshay kulan miro-dhal ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo si diirran loogu soo dhaweeyey Golaha Amiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ayaa halkaas kula yeeshay wada-hadallo wax ku-ool ah Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thaani.

Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa isla gartay dhameystirka mashaariicda horumarineed ee Dowladda Qatar ay ka waddo Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee dalkeenna, isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha, horumarinta Waxbarashada Hoose/Dhexe ee Soomaaliya iyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Tamiim ayaa kulankooda ku lafa-guray arrimo dhowr ah oo ku saabsan aayaha iyo miro-dhalka xiriirka Labada dal iyo danaha wadajirka ah ee ku aaddan xasilloonida iyo horumarka Gobolka, si loo sii xoojiyo iskaashiga mugga weyn ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad oo Madaxweynaha iyo wafdigiisa uga mahad-celiyey ajiibidda marti-qaadkii ay u fidiyeen ayaa soo dhaweeyey in dowladdiisu ay door weyn ka qaadato gurmadka abaaraha ka jira dalkeenna, iyada oo mudnaan siin doonto gurmadka degdegga ah iyo xalka waara oo ay ka mid yihiin maalgelinta Beeraha, Xoolaha iyo Kalluunka oo fursado shaqo u abuuraya dhallinyarada Soomaaliyeed, xalna u noqonaya abaaraha soo laalaabtay ee dalkeenna.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo wafdigiisa ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Cabdullahi Ciise iyo Danjireheenna inoo fadhiya dalka Qadar Mudane Cabdirisaaq Faarax Cali ayaa uga mahad-celiyey Amiirka iyo Golahiisa soo dhaweynta wanaagsan, doorkooda dib u dhiska Ciidamada Soomaaliyeed iyo fulinta mashaariicda dhismaha Kaabeyaasha Dhaqaalaha oo si dardar leh uga socda dalka.

DHAMMAAD