Dhuusomareeb: Askar ka tirsaneyd Gorgor oo weerar lagu dilay

Laba askari ayaa dhimatay halka midkalana uu dhaawacmay kadib markii maleeshiyo hubaysan ay rasaas ku fureen ciidanka oo saarnaa baabuur dhexmarayey magaalada Dhuusamareeb maanta.

Askarta dhimatay,ayaa ilo wareedyo sheegayaan in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Milatariga Soomaaliya, gaar ahaan qaybta Gorgor

Warar,ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka weerarka gaystay ay baxsadeen iyaga oo horey usii kaxaystay baabuurkii ay saarnaayeen Ciidanka.

Wararku waxay intaas ku darayaan in maleeshiyaadkaasi ay babauurka ula kaceen dhnaca degaanka Bohol oo fariisin u ah maleeshiiyaadka ururka Ahlu-Suna Wal Jamaaca.

Saraakiisha Ciidamada,ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan weerarkan Askarta lagu dilay.

Dhinaca mas’uuliyiinta Deegaanka Bohol,ayaa iyaguna ka gaabsaday in ay ka hadlaan dhacdada ka dhacday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobalka Galgaduud