Maxay kusoo gaba-gaboobeen kulamadii ka socday Garoonka Diyaaradaha Bosaso?

Kulamadii ka socday Garoonka Diyaaradaha Bosaso ee udhaxeeyay Madaxweynaha iyo Isimada,Ciidanka iyo Ganacsatada,way soo gabagaboobeen.

Kulankii Isimada iyo Madaxweynaha oo ahaa mid albaabadu uxirnaayeen,ayaa xogo hoose oo aan ka helay,waxay iisheegayaan in uu kusoo dhamaaday is afgarad iyo jawi wanaagsan dhamaan arimihii ay kawada hadleen.

Sidoo kale kulankii Ganacsatada iyo Madaxweynaha,ayaa laysku afgartay,waxuuna aqbalay Madaxweynuhu dalabkii Ganacsatada.

Ganacsatada,ayaa usoo jeedisay Madaxweynaha in laga saaro Dekeda Shirkada P&O laguna wareejiyo mid kale,waana aqbalay Madaxweyne Deni.

Kulankii Laamaha amaanka iyo Madaxweynaha,ayaa lagu kala qaatay Awaamiir cusub oo mu aadan amaanka.

Jibril Qoobey.