Sweden iyo Finland oo qaba wal-wal Amni

Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga dalka Sweden, Owe Wiktorin ayaa sheegay in duullaanka Ruushku uu muujinayo Khatar amaan, wuxuuna ugu baaqay dalkiisa Sweden iyo Finland inay go’aan geesinimo leh qaataan ,wuxuuna yiri sidan.

” Sweden hada wada shaqayn keliya ayay la leedahay NATO ,oo xubin kama aha Xulafada Nato taasina inookuma filna Damaanad ammaan,kama helayno NATO taageero lamid ah markii xubin laga yahay gaashaan buurtan.

Waa inay Go’aan adag qaataan dalalkan Cidlada jooga hadiiba aanba lagu nabad-gelayn Loolanka Gobolka kuma aan jirno,Marka ay Sweden & Finland ku biiraan NATO waxay hannaan gaashaandhig oo wadajir ah ka heli karaan xubnaha kale, waxayna aad sare ugu qaadi karaan nidaamyadooda difaac.

Dadka aaminsan hadii NATO lagu biiro ,Nato xiligan wax tabar ah malaha oo inama Difaaci doonto waa fikrad macquul ah ,Lknse hada oo aynaan NATO xubin ka ahayn waxaynu kujirnaa khatar ,hadii aynu ku biirno NATO xitaa khatar ayaynu kujiri doonaa.

marka hadiiba aynu labada marba khatar wajahayno waa in aynu geesinimo samayno oo aynu NATO ku biirnaa,ugu yaraan wax garab istaag ayaan ka heli karnaa .

Maanta Dunidan kama jiro Wadan kale ama Xulafo kuu balanqaadi karta inay ku difaaci doonto 100% ,mar hore ayaa la rabay inaynu Amnigeena ka fekerno oo gooni isu taagi karno,lknse maanta waxba ma qaban karno, aan ka ahayn inaan samayno sidii inoo macquulsan “

Abdirizak Juba.