Fadhigii Golaha Wasiirrada SL Oo Lagu Go’aamiyey Qodobo Muhiima

WAR-SAXAAFADEED
Fadhigii 88aad Ee Golaha Wasiirrada Oo Lagu Go’aamiyey Qodobo Muhiima.

Fadhigii 88-aad ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu shir Guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna wehelinaayey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo qabsoomay maanta oo ay taariikhdu tahay 10/03/2022, ayaa goluhu war-biximo kaga dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, Arrimaha la xidhiidha Amniga dalka iyo howsha agaasinka iyo qaban-qaabada xuska 18 May ee sannadkan 2022.

O

Sidoo kale Wasiirka Horumarinta Khayraadka Biyaha, Mudane Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) ayaa golaha uga war-bixiyey xaaladda abaarta dalka iyo safarkii ay Guddida Gurmadka Abaaruhu ugu baxday gobolada barriga, isagoo xusay in abaarta ka jirta dalku ay sii ballaadhanayso marba marka ka danbaysa, dhammaan gobolada dalkana ay ka jirto abaartu, haba sii kala darnaadaane.

Dood iyo falan-qayn dheer ka dib waxa fadhigii maanta lagu go’aamiyey, si loo barbar istaago dadka ay abaartu saamaysay in Madaxweynaha Qaranka Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnaha Golaha wasiirradu ay hal bil mushaharkood ugu deeqaan hawlaha gurmadka iyo taakulaynta abaarta, si loo dardar-galiyo lana xoojiyo hawlaha gurmadka abaarta.

Ugu danbayntiina goluhu waxaay soo jeediyeen in laga qaybqaato hawlaha qaadhaan ururinta ee ay kaga qayb-qaadanayaan ganacsatada, qurbo-joogta iyo dadwaynaha reer Somaliland ee ay taakulaynta abaarta kula barbar istaagayaan dadkooda tabaalaysan.

ALLAA MAHAD LEH
Warbaahinta Madaxtooyada SL.