Maxaa kasoo baxay kulankii Saraakiisha Ciidamada Puntland Ee Bosaso?

Kulankii Saraakiisha Ciidamada Puntland ee ka dhacay saakay Madaxtooyada Bosaso si gobanimo ah,ayuu kusoo idlaaday.

Laabtaa laysku furay oo waa lays cafiyay,waana lays dhexgeliyay Ciidamada.

Xaqiiqdii wax qurux badan,ayaa ka dhacay Maanta Madaxtooyada Bosaso.

Saraakiishu waxay isla qireen in amaanka Guud ee Puntland dabcay xiligii qalalaasuhu jiray.

Waxaa lagu balamay in deg-deg loo dardargeliyo la dagaalanka argagixisada iyo danbiyada kale.

Guud ahaan jawigu,waxuu kusoo gaba-gaboobay in loo wada adeego Dalka iyo Dadka.

Jibril Qoobey.