Wasiirada Arimaha Dibada ee Ukrain iyo Raashiya oo kulmay Turki

Wasiirka arimaha dibada Dalka Ukraine Dametro Koliba, aya gaarey Magaaalada Antalaya ee dalka Turkiga halkaas oo uu maabta wadahal ka fool ka fool ah kula yeelan doono dhigiisa Ruushka Sergei Lavrov.

Wasiir arimaha dibada Turkiga Mevlut Cavusoglu, ayaa soo dhaweeyey waftiga Ukraine waxayna wada yeesheen kulan gaar ah.

Turkiga oo horay u diiday fulinta cunaqabataynta reer galbeedka ee Ruushka ayaa hada xiisada labada dal wadahal lagu dhamaynayo marti galinaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ukraine Dmytro Kuleba,ayaa Khamiista maanta ah kullan saddex geesood ah uga bilowday magaalada Antalya ee dalka Turkiga, sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

Tani,ayaa ah xiriirkii ugu horeeyay oo heer sare ah oo dhexmara Moscow iyo Kyiv tan iyo markii Ruushka uu bilaabay wax uu ku tilmaamay “howlgal militari oo gaar ah” 24-kii Febraayo.