Maxaa kasoo baxay kulankii Madaxweyne Deni iyo Islaan Bashiir

Kulankiii Islaan Bashiir iyo Waxgaradka kale ee Beesha Cumar Maxamuud ay la lahaayeen Madaxweyne Deni,waa soo dhamaaday.

Isa salaamid kadib,waxaa hadalka bilaabay Fiqi Cabdinaasir oo ah mid ka mid ah Fiqiyada jifi hoosaadka Reer Xirsi Faarax oo loo wakiishay in uu ku hadlo afka Beesha,waxuuna yiri..

“Madaxweyne,waxaan kuula soconay labo arimood oo kala ah,in Beesha Kuraasteedu ay yihiin tartan furan oo xor ah iyo in aanan doorkan Gabar qaadanayn”.

Intaas markuu yiri,waxaa warka dhanka Beesha soo xiray sida xeerku yahay Islaan Bashiir oo yiri..

“Warku waa intaas Fiqigu yiri,wax kale nooma harin,waana ku dhan yahay Madaxweyne”.

Kadib,waxaa qaatay Madaxweyne Deni oo yiri..

“Reer Mudugoow idin kama filayn Maanta in aad iiga daba imaanaysaan Labadaa Kursi oo aad sidaa culays usaaraysaan,waxaan islahaa waxay kuugu socdaan sidee wax uwada dhisanaa oo waxaad ahaydeen Beesha kaliya ee aan isku halaynayay oo aan Sxb gaar ah aan ahayn,balse ku danteedee hadaad hada ku dhagteen Labadaa Kursi sida aad wax urabtaan waan idin dayn karaa,aanse kulan kale yeelano”.

Sidaa,ayaa Maanta lagu kala soo tagay oo kulankii ku xirmay.

Jibril Qoobey