Maxay kawada hadlayaan Laftagareen,Farmaajo iyo Fahad ?

Laftagareen kulanka uu la leeyahay Fahad iyo Farmaajo,waxuu ku aadan yahay hankiisa Gudoomiyaha Golaha Shacabka Fadaraalka.

Waxuu fahansan yahay Laftagareen hadii kooxdiisan ay awooda banayso in uusan sii joogi doonin Madaxtooyada Baydhabo,sidaa darteed,waxuu danaynayaa in uu hadaba kasii tabaabushaysto.

Kuraasta harsan ee Koonfur-galbeed,waxaa ku jira Kursigii Laftagareen ku fadhiyay ka hor intuusan noqon Madaxweynaha Koonfur-galbeed.

Dhinaca kale Fahad,waxuu u arkaa Laftagareen Nin buuxin kara Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka Fadaraalka oo kooxdiisuna si weyn u aamini karto.

Balse isla kooxda Nabar iyo Naxdin,ayaa qayb ka mid ah waxay qabtaa in Laftagareen Baudhabo loo daayo booskiisana la geliyo Talyaha Asluubta Mahad Shub.

Waxaase ay ka walwalsan yihiin Koonfur-galbeed Qofka looga soo tagayo,waana Qodob ka mid ah kuwa ay kawada hadlayaan.

Jibril Qoobey.