Qoor-qoor oo lagu Go’doomiyay Guriga uu ka degan yahay Koonfurta Gaalkacyo

Xaaladda Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee Baraxley,ayaa kacsan.

Waxaa qeybo ka mid ah Xaafadaas oo ka arimiyo Maamulka Galmudug lagu arkayaa Maleeshiyo Beeleed hubeysan oo wata Gawaarida Dagaalka.

Gaar ahaan Hoyga uu ka degan yahay Xaafadaas Madaxweyne Qoor-qoor ayay Maleeshiyadu hareeraysay.

Gadoodka Maleeshiyadan,ayaa salka ku haya Seddex kursi oo oo doorashadooda dib Maanta loo dhigay loona asteeyay in ay qabsoonto Doorashadooda Maalinka Axada ah hadii eebe idmo.

Maleeshiyada,ayaa sheegay in rabitaankoodu yahay in la si xor ah oo furan loogu tartamo Kuraasta taala Koonfurta Magaalada Gaalkacyo oo aan Dad gaar ah loo xirin.