Deni iyo Beesha Cumar Maxamuud oo is afgarad ka gaaray Doorashada Kuraasta Xildhibaanada

Guul,ayuu kusoo idlaaday kulankii reer Muduga iyo Madaxweyne Deni.

1.Kuraasta Cumar Maxamuud Gabar kuma jirto.

2.Ergada dooranaysa Kuraastaas waa mida Cumar Maxamuud iska soo dhex xulay ee rasmiga ah.

3.Doorashada Kuraasta,waxaa goobjoog ka noqonaya Islaanka iyo Nabadoonada Beesha.

4.Xildhibaanada Cumar Maxamuud ee soo baxa,waxay codkooda siinayaan Madaxweyne Deni oo xataa kii ay ishayaan hada waa la heshiisinayaa.

Intaas,ayaa lagu kala soo faataysaytay laguna quraan akhristay.

Islaan Bashiir waa bogaadinaynaa hogaamintiisa qurxoon.

Jibril Qoobey.