Doolow Ado oo mar Afraad Dab ka baabshay Hanti fara badan

Hanti lagu qiyaasay nus-malyuun doolar,ayaa ku gubatay Dab Xalay ka kacay magaalada Doolo Addoo ee Gobolka Liibaan ee Dowlad Deegaanka Somalida ee dalka Itoobiya.

Dabkaasi oo sida la sheegay ka kacay suuq ku yaal magaaladaasi ayaa waxaa ku hanti beelay dad u badan ganacsato oo ay u suurtagale weyday in ay hantidooda badbaadiyaan maadaama xilli habeen ah ay ahayd.

Dabkan,ayaa noqonaya Dabkii Afraad muddo Lix billood gudahood ah oo ka kaca magaaladaasi.