Shan qof oo lagu dilay weerar ay Al-Shabaab sheegatay oo Kenya ka dhacay

Shan Qof,ayaa dhintay saddex kale, oo uu ku jiro nin u dhashay dalka Shiinaha, dhaawacmay ka dib markii rag hubeysan ay weerar gaadmo ah ku qaadeen goob uu dhisme ka socday oo ku taalla gobolka xeebta ah ee Kenya, sida ay booliisku ku warrameen.

Weerarka ayaa Jimcihii ka dhacay gobolka Lamu oo ku dhow xadka Soomaaliya.

Shaqaalaha ayaa markii la weerarayay ka shaqeynayay dhismaha buundada Dekedda Lamu ku xireysa Suudaanta Koonfureed iyo Ethiopia.

“Afar qof ayaa qaba dhaawac daran,” ayay warisay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa warbixinta ay booliisku ka diyaariyeen weerarka.

Warbixinta ayaa sheegeysa in qof saarnaa mooto goobta mareysay ay rasaastu haleeshay, uuna ku dhintay, waxayna intaasi raacisay in waaxda la dagaallanka argagixisada ee booliisku ay haatan wadaan baaritaanka weerarkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan.

Gobolka Lamu, oo ay ku jirto xeebta caanka ah ee loo dalxiis tago ee Jaziiradda Lamu, ayaa waxaa ka dhaca weeraro joogto ah, oo intooda badanna loo adeegsado miinooyinka lagu aaso waddada.

AFP