Talyihii Booliska Bari oo Xabsi Guri la geliyay

Talyihii Booliska Gobolka Bari Diriir,ayaa la geliyay Xabsi Guri 3-maalmood ka hor.

Talyaha guud ee Booliska Puntland,ayaa bixiyay amarka Xabsi Guriga lagu geliyay Talyaha Bari.

Dirir,waxuu ka carooday kulankii ka dhacay Madaxtooyada Bosaso ee is dhexgalka Ciidanka,waxaana jirtay kulan si gaar ah udhexmaray Jeneralada Ciidamada Booliska,PSF iyo Daraawiishta.

Kulankaas ugaarka ah Jeneralada,ayuu soo fariistay Dirir,kadibna Talyaha Booliska Puntland,ayaa usheegay in uu Shirkan ugaar yahay Talyayaasha Guud oo uu banaanka uga baxo.

Intaas kadib,ayuu Dirir ka carooday Madaxtooyada horayna usii kaxaystay Ciidankii joogay ee Booliska ahaa.

Balse Talye Cali-xaashi oo fariin gaartay,ayaa amar ku bixiyay in Ciidanku dib usoo laabto Talye Dirirna la geliyo Xabsi Guri ilaa amar danbe.

Jibril Qoobey.