Biden”Dagaalkii 3-aad,ayaa laga yaabaa in uu Qarxo”

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa xaqiijiyay in iska horimaad toos ah oo dhexmara gaashaanbuurta NATO iyo Ruushka uu ka dhalan doono dagaalkii saddexaad ee adduunka.

“Waxaan rabaa in aan caddeeyo: Waxaan ilaalin doonaa gobol kasta oo NATO ah in uu lahaado leh awood buuxda oo isku dhafan oo la xoojiyay” ayuu yiri Biden.

“Laakiin ma qaadi doono dagaal ka dhan ah Ruushka oo duulaan ku qaaday Ukraine, iska horimaad kasta oo toos ah oo dhexmara NATO iyo Ruushka wuxuu noqon karaa dagaalkii 3-aad ee aduunka”

Biden ayaa marar badan diiday inuu u diro ciidamo Maraykan ah si ay isaga hor imaad toos ah ula galaan ciidamada Ruushka.