Ukrain oo Ruushka iskaga dhicisay Diyaarada casriga ah Ee Turkiga

Dowladda Ukraine ayaa shaaca ka qaadday in ciidankeeda ay adeegsadeen diyaaradaha uusan duuliyaha saarneyn ee uu ka iibiyay Turkiga, arrintaas oo xukuumadda Ankara ay u muuqatay in ay qarineysay.

Warbixin uu daabacay wargeyska Financial Times ee kasoo baxa dalka Britain ayaa lagu sheegay in militeriga Ukraine ay Ruushka isaga caabiyeen diyaaradaha lagu magacaabo Bayraktar, oo Turkiga ay ka heleen, iyagoo mahad celin weyn u jeediyay Turkiga.

Ciidamada Ukraine ayaa isticmaalka diyaaradahan u bogay, waxayna gaadheen heer ay sameystaan hees ay ku sheegayaan sida ay awood ugu yeesheen in ay jabiyaan askarta Ruushka ee duulaanka soo qaaday, sida uu wargeysku ku sheegay warbixintiisa.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ukraine ayaa boggeeda Twitter-ka ku shaacisay sawirrada xayawanano ay ugu magac dartay diyaaradda Turkiga uu sameeyay ee la yiraahdo Bayraktar, iyagoo astaan uga dhigaya dabaaldegga ay u sameynayaan sida ay diyaaradahaas uga caawiyeen in ay burburiyaan taangiyada Ruushka iyo gantaallada rakiban.

Mahad celinta Ukraine waxay lid ku tahay isku dayga uu Turkigu ku doonayay inuu uga gaabsado arrinta la xiriirta inuu Kyiv ka iibiyay diyaaradihiisa casriga ah ee uusan duuliyaha saarneyn.

Xukuumadda Ankara ayaa u muuqatay inay ka baqeyso in ay ka careysiiso Moscow, halka ay iska dhigeysay in doorkeedu uu yahay waddan dhex dhexaad ka ah dagaalka.

10-kii bishan March, 2022-ka, Turkiga waxa uu marti geliyay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Ukraine, kuwaasoo ka qayb galay shirka heerka sare ee diblomaasiyadeed ee ay wadahadalka ku yeesheen labada dhinac tan iyo markii uu billowday dagaalka Ukraine.

Ruushka ayaa Ukraine weerar ku qaaday 24-kii bishii lasoo dhaafay ee Februay, walina waxaa socda iska caabinta ciidamada Ukraine oo difaacaya magaalooyinka ay militeriga Putin isku dayayaan in ay la wareegaan.

Diyaaradan Bayraktar TB2 ayaa loogu talagalay fulinta weerarada.

Bayraktar TB2 oo culeyskeedu yahay 150 kg ayaa ka howgali karta masaafo dhan ilaa 300 km.

Sida ay sheegtay shirkadda soo saartay diyaaradan Dronis-ka ah waxaa uu dhererkoodu dhan yahay 12 mitir, halka uu joogeedu yahay 2.2 mitir waxayna leeyihiin awood ilaa 300 litir oo shidaal ah.

Diyaaradahaan waxay qaadi karaan 4 gantaal oo waaweyn.

Waxaa la sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay furo u ahaayeen guushii ay Azerbaijan ka gaareen dagaalkii ay la galeen iyo Armenia.

Diyaaradahan ayaa waxaa uu sidoo kale Turkiga u adeegsaday dagaallada Suuriya iyo Liibiya.