Weerarkii Irbil Ee Iran ma waxuu ahaa fariin ku socotay Srael ?

Iiraan,ayaa digniin culus u dirtay Israel kaddib markii ay gantaaladeeda ridada dheer ee baalistiga ah ku weerartay Kurdistaan.

Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa sheegtay mas’uuliyadda gantaalo baalistig ah oo xalay lagu duqeeyey magaalada Erbil, oo ah caasimadda Ismaamulka Kurdiga ee dalka Ciraaq ee Kurdistan.

Ku dhowaad ​​10 gantaal ayaa magaalada ku soo dhacay 1-dii habeenimo, waxaana gantaalada lala beegsaday dhismaha cusub ee Qunsuliyadda Maraykanka ee magaalada erbil

Iiraan waxa ay sheegtay in ay bartilmaameedsatay xarun istiraatijiyadeed oo lagu maleego shirqoolka iyo xumaanta Sahyuuniyadda waxaa lagu beegsaday gantaallo shiish saxan leh oo xooggan oo ay rideen Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah.

Horaantii todobaadkan, Iiraan waxay sheegtay in duqeymaha ay Israa’iil ka geysatay Suuriya ay ku dishay laba sarkaal oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, waxayna wacad ku martay inay u aargudi doonto.

“Weerar kasta oo kasoo noqnoqda Israa’iil waxaa lagala kulmi doonaa jawaab adag, iyo go’aan adag oo wax-burburin leh.” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay Iiraan oo lagu faafiyey Sepah News, oo ah barta rasmiga ah ee Ilaalada kacaanka iiraan.

Iiraan ayaa sheegatay Qunsuliyadda Maraykanka ee ay duqeeyeen inay xarun qarsoodi ah ku leedahay Hay’adda Sirdoonka Israel ee Mossad.

Emad (Shahab-3 Variant) 1,700 km

Ghadr-1 (Shahab-3 Variant) 1,950 km

Fateh-110 200 – 300 km

Fateh-313 500 km.

Abdirisak Jubba.