Dhisme casriya oo loo dhisay Xisbiga PP Ee Abiy oo Xariga laga jaray

Dhismaha Xafiiska Xisbiga Barwaaqo oo ay ku baxday lacag dhan 895-Milyan oo Birr,ayaa xarigga laga jaray Maanta.

Dhismaha ayaa ku fadhiya dhul bedkiisu dhan yahay 4,700 oo karamitir.

Xafladda xarig-jarka Xaafiiska Guud ee Xisbiga Barwaaqo waxaa ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Xisbiga, ku-xigeennada iyo Xubnaha Golaha Dhexe.

Dhismaha ayaa ka kooban Sagaal dabakh ama oo isugu jira Xaafiisyo iyo Hoolalka shirarka.

Lacagta ku baxday dhismahan,ayaa lagu sheegay in ay tahay qaaraan laga ururshay xubnaha iyo taageerayaasha Xisbiga.