Fariin ku socota Madaxweyne Deni

Cumar Maxamuud Cad Libaax ayay kuu ogol yihiin ee ugolow mid Bisadeed Deniyoow.

Haldoorka Beesha oo in badan aan ka waraystay aragtidooda ku aadan hanka Deni ee Xamar waa ku faraxsan yihiin oo ma diidana.

Fuli heshiiskii aad la gashay oo umadax banee matalaadooda,iyagaa codka farta kaa saarayee !!

Hadaad diid oo aad u isticmaashid Maah-maahdii ahayd “Ninkaad xumaynayso Doqontiisaa la Boqraa” ku dhaqaaq,waxaad ka hesho waxba hanaga siin.

Mudo xileedka ku fadhiya sharciyada aan dhiganay,ayaa macno kuu yeelaya Deniyoow !!

Islaan Bashiir oo fadhiya meel kuu jirta 500-Mitir hadaad ilhaamaysato,waxaa khasab ku ah ilaa Xamar in ay kaala dagaal galaan oo Somali Beel-beel uhorfariistaan,iyagoo sheegaya in aadan istaahil hogaaminta Somaliyed.

Jibril Qoobey.