Maraykanka oo uga digay Shiinaha in uu taageero Ruushka

Mareykanka ayaa sheegay in Shiinaha uu cawaaqib xumo waa haddii uu Ruushka ka caawiyo duulaanka uu ku qaaday Ukraine, sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

Saraakiil aan magacooda la sheegin ayaa lagu soo waramayaa inay u sheegeen qaar badan oo ka mid ah warbaahinta Mareykanka in Ruushka uu ka codsaday Shiinaha inuu siiyo kaalmo militari ka dib markii uu bilaabay duulaanka.

Safaaradda Shiinaha ee Mareykanka waxay sheegtay in aanay ka war heyn arrintani.

Digniintan ayaa ku soo beegantay ka hor shir maanta oo Isniin ah ka dhacaya magaalada Rome ee u dhaxeeya madaxda ugu sarreysa Mareykanka iyo Shiinaha.

Saraakiisha ayaa ka gaabsaday inay qeexaan nooca qalabka uu Ruushku ka dalbanayo Shiinaha.

Warbixinta ayaa intaa ku dartay in ay jiraan calaamado muujinaya in Shiinaha laga yaabo in uu isu diyaarinayo in uu ka caawiyo Ruushka dagaalak dalka Ukraine.

Warbixin kale oo lagu daabacay wargeyska New York Times – oo mar kale soo xiganeysa saraakiil Mareykan ah – ayaa sheegtay in Ruushka uu sidoo kale codsanayo kaalmo dhaqaale si loo yareeyo saameynta cunaqabateynta.

Shiinaha ayaa ilaa hadda isku dayaya in uu isu muujiyo in uu dhex dhexaad ka yahay dagaalka Ruushka iyo Ukraine, mana uusan cambaareyn duullaanka.