Maxaa looga dooday fadhiga Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka Puntland

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 9-aad ee Guddiga joogtada ah.

Fadhiga maanta Guddigu wuxuu uga doodey ansixinta iibka dhulka degmada Garoowe oo Xukuummaddu u soo gudbisey Golaha Wakiillada.

Dood iyo falan-qeyn dheer ka dib, Guddigu waxay go’aamiyeen in la horkeeno ansixinta iibka dhulka degmada Garoowe, Kalfadhiga 50-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, oo furmi-doona 15 Juune, 2022, haddii Alle Idmo.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland