Koonfur-galbeed oo soo gabagabaynaysa dhankeeda Doorashada Xildhibaanada

Maanta Waxaa Magaalada Baydhabo lagu soo gabagabeynayaa doorashada kuraasta Golaha shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya ee deegaan doorashadooda tahay Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalooyinka Baydhabo iyo Baraawe .

Saacadaha soo socda ee maanta Talaadada ah Waxaa la qabanayaa 7 kursi ee ku harsaneyd deegaan doorashada koowaad ee Magaalada Baydhabo, Waxaa horey tartankooda loo qabtay 62 kursi, 7-da maanta hadii loo geeyo waxay ka dhigan tahay in 69 kursi ee taaley Koonfur Galbeed lasoo gaba gabeeyey .

Kuraasta maanta lagu tartamayo waxaa ku jira HOP 172 kaas oo sanadihii lasoo dhaafey ku fadhiyey Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana loo xirey Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Craxmaan Aadan.

Kuraasta 69-ka ah ee Golaha shacabka Koonfur Galbeed taaley ayaa noqoneysaa in deegaan doorashada koowaad ee Magaalada Baydhabo lagu doortay 43 kursi, halka deegaan doorashada labaad ee Magaalada Baraawe 26 kursi lagu doortay, haweenka ayaa 69 kaas kursi ka heley 13 kursi.