Kulankii Deni iyo Islaam Bashiir oo fashil kusoo idlaadey

Kulan dhexmaray Xalay Islaam Bashiir Islaam Cabdille iyo Madaxweyne Deni,ayaa fashil kusoo idlaaday.

Deni,ayaa mar Sadexaad Islaamka ka codsaday in uu ufasaxo Labada Kursi ee Beesha Cumar Maxamuud si uu ugu soo saarto Dad uu wato.

Balse Islaam Bashiir,ayaa diiday dalabka Deni mar Sadexaad kuna adkaystay in Kuraastaas loo tartamo loona furo dhamaan Musharaxiinta.

Waxuuna ku yiri Islaam Bashiir Madaxweyne Deni..

“Dadka namatalaya ,Anaga soo xulanayna,Adigana Codkaad helaysaa”

Madaxweyne Deni,ayaa inta badan Kuraasta taaley Puntland ka adeegtay,waxaase laf dhuungashay ku noqday kuwa Beeshan.

Deni Caro,ayuu xalay uga laabtay Islaamka lamana oga in uu aqbali doono go’aankiisa iyo in kale.